Madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa gaaray keynta Boni ee ismaamulka Lamu.
Waxaa uu halkaasi kula kulmay ciidamo ka tirsan waaxyo kala duwan oo sugaya amniga keyntaasi.
Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehelinayay wasiiradda arrimaha difaaca ee dalka Monica Juma iyo taliyaha guud ee ciidamada gaashaan dhigga Robert Kibochi.
Mr. Kenyatta ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda si Al-Shabaab aynan ugu dhuumaalaysan keyntaasi.