Xisbiga ODM ee uu hoggaamiyo ra’isul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa la filayaa inuu isbuuca soo socdo si rasmi ah u shaaciyo musharraxa ku matali doono xilka madaxweynenimo ee doorashada sanadka 2022-ka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xisbigu uu si wayn iskugu diyaarinaya sidii uu ula wareegi lahaa hoggaanka wadanka.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu kulan yeesho golaha fulinta ee ODM si loo kala cadeeyo in Raila Odinga uu tartanka ka mid noqonaya iyo in kale maadaama ku xigeenkiisa ahna barasaabka Mombasa Cali Xasan Joho uu horay u sheegay inuu u tartami doono jagada ugu sarreysa wadanka.
Raila oo maalmo ka hor la weydiiyay inuu sanadka soo socdo madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto la tartami doono ayaa sheegay inuu mowqifkiisa ku dhawaaqi doono ka dib marka laga gudbo geeddisocodka sharci beddelka ee BBI.