Amarro ka dhan ah COVID19 oo laga dhaqangelinaya waqooyi bari

0
632

Waxaa maanta ismaamullada gobolka waqooyi bari ee Garissa, Wajeer iyo Mandera laga dhaqangelinayaa amarro ay maalmo ka hor si wadajir ah u soo saareen wasaaradaha caafimaadka ee dowlad deegaannadan.
Amarradan ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafidda cudurka COVID19 si bulshada dabaal degaysa aynan caabuqa isku qaadsiin.
Xeerarka la adeegsanaya ayaa kala ah ;
1.Dadka qabo qandhada iyo astaamaha kale ee la midka ah kuwa hergebka waa in ay guriyaha ku sugnaadaan oo aynan tagin isku soo baxyada ciidda.
2.Cid kasta oo ka qayb galaysa kulamada ciidda waxaa Khasab ah in ay xirato afduubka iyadoo amarkan ay dhaqangelinayaan saraakiisha ammaanka.
3.Waa in qof kasta uu sito salli ama sajaayad sidoo kalena uu ku soo wayso qaato gurigiisa.
4.Lama oggolo in gacmaha sidoo kale xabadka la isku salaamo.
5.Labada qof ee isugu dhow waa in ay u dhexeyso ugu yaraan 1.5 mitir.
6.Baabuurta waxaa la dhigayaa meel ka durugsan goobta lagu ciidaya si looga hor tago ciriiri.
7. Tukashada salaadda ciidda iyo khudbadda ka dambeysa waa in lagu soo gabagabeeyo ugu badnaan hal saac .
War-murtiyeedka waxaa si wadajir ah u saxiixay wasiirada caafimaadka ee Mandera, Wajeer iyo Garissa ee kala ah Dr. Maxamuud Aadan ,Ismaaciil Sheekh Isaaq iyo Rooble Saciid Nuunow.