Madaxa cadaalada ee dalka oo sheegtay in loo baahayahay in dhamaan ismamaulada dalka ay lahadaan maxkmad sare

0
475

Madaxa cadaalada ee dalka Martha Koome ayaa u sheegtay golaha gudoomiyeyaasha (CoG) in loo baahan yahay in toddobada ismaamul ee harsan loo yeelo maxkamada sare ah.
Waxay sheegtay in tani loogu talagalay helitaanka cadaalada dhamaan qeybaha kala duwan ee Kenya.
Madaxa cadaalada ayaa sheegtay in tani ay soo daahday taas oo keentay in bulshada ay masaafo aad u dheer u lugeeyaan dowlad deegaano kale si ay cadaalad u helaan.
Mrs Koome ayaa sidoo kale ku dhiiri galisay gobolada inay maalgashi ku sameeyaan Xalinta Khilaafaadka Kale (ADR) iyo xarumaha ilaalinta caruurta si loo ilaaliyo xuquuqda dadka nugul.