Waxaa maanta ku eg mudadii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC uu u qabtay dadweynaha si ay u xaqiijiyaan in saxiixyada la soo uruuriyay ee la xiriira taageeridda qorshaha sharci beddelka ee BBI ay yihiin kuwooda rasmiga ah.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii guddoomiyaha IEBC Mr .Wafula Chebukati uu sheegay in aynan habbooneyn in qofka saxiixiisa la adeegsado iyadoo aan oggolaansho laga haysan.
Guddigan ayaa xusay in shabakadiisa rasmiga ah uu ku soo bandhigay liiska la xaqiijiyay ee taageerayaasha hannaanka sharci beddelka ee BBI.
Waxaa maalimihii la soo dhaafay fursad ay dareenkeeda ku gudbin karto haysatay cid kasta oo arrinkan cabasho ka qabto oo dareemaysa in saxiixeeda la adeegsaday isagoo uunan qofku raali ka ahayn.
Dhammaadkii bishii hore ayay ahayd markii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC uu billaabay inuu xaqiijiyo 4.4 milyan oo ah saxiixyada BBI ee loo soo gudbiyay.
Dastuurka dalka u degsan ayaa dhigaya in la helo ugu yaraan hal milyan oo qof oo saxiixyadooda ku taageera sharci beddel si geeddisocodkan loogu sii tallaaba qaado.