DHAGEYSO:Raila Odinga oo sheegay in BBI ay xal u tahay caqabadaha dalka ka jiro

0
368

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in xalka caqabadaha ay wajahayaan Kenyaanka uu ku jiro qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay soo jeedinta ah in dhallinyarada ganacsatada ah aan muddo toddobo sano laga qaadi doonin canshuur sidoo kalena ardayda qaatay lacagaha amaahda ee jaamacadaha aynan deyntaasi bixin doonin ilaa ay shaqo ka helayaan.
Mr. Odinga ayaa dhanka kale difaacay xilalka la soo kordhinaya ee ra’iisul wasaaraha iyo labadiisa ku xigeen isagoo tilmaamay inuusan jirin wax qarash dheeraad ah oo dowladda uga baxaya mushaaraadka.