Guddoomiyaha baarlamaanka oo baaq u diray garsoorka dalka

0
310

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa saraakiisha waaxda garsoorka wadanka ugu baaqay inaynan fududeysan waajibaadka baarlamaanka oo marka loo yeero ay ka soo hormuuqdaan guddiyada kala duwan.
Mr. Muturi ayaa sheegay in hadii ay dantu keento la hakinaya dhaqaalaha la siiyo waaxda cadaaladda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xildhibaanada uu waajib dastuuri ah ka saaran yahay xaqiijinta qaabka loo adeegsado kheyraadka dadweynaha ee waaxyaha dowladda.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii madaxa cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ay shaqaalaha waaxdan ka hor istaagtay inay ka soo hormuuqdaan guddiyada baarlamaanka iyo aqalka sare.
Waxay mudanayaasha ku eedeysay inay fulinayaan dano shakhsiyeed iyaga oo ku andacoonaya inay sameynayaan la xisaabtan balse sida ay hadalka u dhigtay dhibaateynaya howlwadeenada garsoorka.
Mrs. Koome ayaa intaa ku dartay in baarlamaanka uusan qadarin xuduudaha dastuuriga ee u dhexeya laamaha dowladda.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhankiisa ku adkeysanaya inay khasab tahay in saraakiisha waaxda cadaaladda ay hor tagaan guddiga xisabaadka si su’aalo looga weydiiyo warbixinta hanti dhowraha guud ee dalka.