Guddiga doorashooyinka dalka oo beeniyay in la farageliyay macluumaadka codbixiyayaasha

0
349

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa arrin aan xaqiiqda ku saleysnayn ku sheegay warar lagu faafiyay baraha ay bulshadu ku wada xiriirto.
Bayaan uu guddigu soo saaray ayuu ku xusay inuu ka war helay xog aan sax ahayn taasoo tilmaamaysa in qof uu jabsaday hannaanka IEBC sidaasina uu ku helay macluumaadka khaaska ah ee codbixiyayaasha iska diiwaangeliyay mid ka mid ah ismaamullada galbeedka dalka.
Guddiga doorashooyinka ayaa cadeeyay in tan iyo markii 8 sano ka hor la sameeyay hannaanka casriga ee loo yaqaano BVR ee lagu diiwaangeliyo codbixiyayaasha aanan xita hal mar ah la jabsan maadaama uusan ku xiriirsanayn intarneet furan.
IEBC ayaa sheegtay in wararka la faafiyay aynan ku saabsanayn xog laga helay nidaamka BVR balse ay suuragal tahay inay sii dusiyeen dhinacyo codsi ka dib si sharci ah uga helay guddiga.
IEBC ayaa xaqiijisay in xeerarka wadanka ay ogolyihiin in xaaladaha qaar ay keeni karaan in la codsado xogta la xiriirta diiwaanka guddiga iyadoo la gudbinaya keliya marka la bixiyo qarash sidoo kalena la xaqiijiyo in la ilaalinayo waxyaabaha sirta ah.
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa bayaankan saxiixay wuxuuna ku gabagabeeyay inay maalgelin ballaaran ku sameyaan ilaalinta xogta codbixiyayaasha iyo tiknolojiyadda lagu keydiyo.