644 bukaan oo Kenya kaga caafimaaday COVID19

0
382

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay cudurka COVID19 ka bogsadeen 644 oo bukaano dheeraad ah.
Waxay isugu jiraan 604 lagu daryeelayay guriyaha iyo 40 lagu daweeynayay isbitaallada dalka.
Tirada guud ee dadka uu ku dhacay ee ilaa iyo hadda ka caafimaaday cudurka ee Kenya ayaa ah 182,326.
Sidoo kale waxaa uu caabuqa corona haleelay 323 qof oo hor leh ka dib markii la baaray dheecaan dhan 3,676.
298 oo dadkan ka mid ah waa Kenyaan halka 25 ay yihiin ajaaniib.
Waxaa rag ah 180 halka 143 ay dumar yihiin waxayna da’doodu u dhexeysaa hal sano ilaa 90 sano.
Tirada guud ee xaaladaha cudurka ee wadanka ayaa hadda ah 192,758 .
Kiisaska cusub ee ay maanta ku dhawaaqday wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa laga kala xaqiijiyay ismaamullada Nairobi 166, Mombasa 41, Kilifi 31, Busia 24, Nakuru 23, Kiambu 10, Machakos 5, Nyeri 3, Kwale 3, Meru 3, Kajiado 3, Kericho 2, Kirinyaga 2, Siaya 2, Uasin Gishu 2, Baringo 1, Isiolo 1 iyo Murang’a 1.
Waxaa hadda weli cudurka qabo oo isbitaallada kala duwan ku jiro 1,203 bukaan halka 4,384 lagu daryeelaya guriyaha.
Qaybaha daryeelka degdegga ee loo yaqaano ICU-da waxaa lagu dabiibayaa 132 bukaan.
15 bukaan oo kale ayaa cudurka u dhintay tani oo dhimashada guud ka dhigaysa 3,775.