In ka badan 1,000 ka mid ah booliska dalka oo la dallacsiinaya

0
495

Waxaa uu qorshuhu yahay in ugu yaraan 1000 sarkaal oo ka mid ah ciidamada booliska ee wadanka la dallacsiiyo ka dib marka ay tababar dheeraad ah qaataan.
Tababarkan oo muddo kooban soconaya ayaa lagu qabanayaa machadka qaran ee booliska ee Kiganjo.
Waxaa arrinkan shaaca looga qaaday wareegto uu soo saaray maamulaha machadkan Japhet Koome.
Qoraalka waxaa ku cad in saraakiisha tababarka la siinaya ay ka tirsan yihiin waaxyo kala duwan sida GSU, booliska qaabilsan ilaalinta dalxiisayaasha, waaxda arrimaha gudaha ee booliska , booliska hawada, kuwa badda ,taraafikada iyo dibloomaasiyadda.
Mr. Koome ayaa xusay in ciidamadan laga doonayo inay isku diyaariyaan tababarka oo lagu wado inuu billowdo labo toddobaad gudahood ka dib markii bishii Afaraad ee sanadkii hore la hakiyay tababarrada lagu qabto machadka qaran ee booliska cudurka COVID-19 awgii.
Tababarrada ayaa qaadan doono inta u dhexeysa 14 cisho ilaa 6 bilood.
Bishii Shanaad ee sanadkii 2019-kii ayuu abaanduulaha booliska dalka Mr. Hilary Mutyambai shaaciyay in saraakiisha in ka badan 15 sano ku shaqeynayay hal heer oo dhanka shaqada ah la dallacsiin doono.