Guddoomiyaha ismaamulka Trans Nzoia Patrick Khaemba ayaa mamnuucay in agabka lagu qaado meydadka lagu iibiyo meel u dhow isbitaallada
Waxaa uu muddo labo toddobaad ah u qabtay ganacsatadan si ay halkaasi uga guuraan.
Khaemba ayaa sheegay in marka uu qof geeriyoodo ay eheladiisa ku dadalaan qaabka lagu aasaya sidaasi awgeedna aan loo baahneyn in agabkan lagu soo bandhigo xarumaha caafimaadka agtooda.
Waxaa uu ku celceliyay in tani ay cabsi geliso bukaannada maadaama uusan jirin qof tagaya isbitaalka isagoo jecel inuu halkaasi ku geeriyoodo.
Hasa ahaate ganacsatada soo saaro naxashka ayaa ka soo horjeestay amarka barsaabka Trans Nzoia waxayna wacad ku mareen in ay maxkamadda dacwad cabasho ah u gudbin doonaan.