DHAGEYSO:Jamaacadda Dedan Kimathi oo albaabada la isugu dhuftay

0
361

Xarunta weyn ee Jaamacadda Dedan Kimathi ee Teknolojiyadda ee ku taal ismamaulka Nyeri ayaa si ku mele gaar ah loo xiray ka dib markii ardayda jaamacadaas ay dhigaan banaanbax ay uga cabanayaan lacag kordhin lagu sameeyay jaamacadda.
Ku xigeenka gudoomiyayha jaamacadaas Professor Ndirangu Kioni,ayaa sheegay in fariin qoraal ah loo diray dhamaan ardayda si ay u joojiyaan inay soo xaadiraan xarunta jaamacadda.
Ardayda ayaa si deg deg ah duhurnimadii maanta looga bixiyay jaamacadda.
Waxaa ayna dhigeen rabshado xoogan taas oo keentay inay madaxa isla galaan ciidamada booliska.
Ciidamada ayaana ardayda u adeegsaday suntan dadka ka ilmaysiida si ay ukala ceyriyaan.
Ardayda ayaa dalbanaya in la yareeyo lacagaha jaamacadda ama in gabi ahaanba la xaro jaamacadda ay wax ka bartaan.