Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Dowlada Hoose ee Xamar kulan aan caadi aheyn kula qaatay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Wakiilada Guddiga Abaabulka iyo Wacyigelinta Qaranka.
Kulanka waxaa looga hadlay Wecyigelinta Bulshada, Sugida Amniga, ka hortaga Waxyaabaha Maanka dooriya iyo Bilicda Magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa la isla gartay in Guddiyo heer kala gedisan loo xilsaaro Wacyigelinta, Ka hortaga mukhaadaraadka iyo sugida Amniga Shacabka kuwaasoo todobaadyada soo socda ka howlgali doonna Magaalada Muqdisho.
Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee G/Banaadir, Guddoomiyaha Guddiga Abaabulka iyo Wacyigelinta Qaranka iyo Agaasimeyaal ka tirsan Dowlada Hoose ee Xamar.