Deegaanka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu oo ay maanta ka dhacayso doorasho ku celis ah

0
254

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC ayaa maanta deegaan baarlamaneedka Kiambaa oo ka tirsan ismaamulka Kiambu ku qabanaya doorasho ku celis ah.
Musharraxiin kala matalaya xisbiyada Jubilee iyo UDA ayaa ku tartamaya inay buuxiyaan jagadii uu horraantii sanadkan baneeyay xildhibaankii deegaankaas Paul Koinange oo geeriyooday.
IEBC ayaa sheegtay in iyadoo u hoggaansamaysa xeerarka lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID19 ay buufisay dhammaan goobaha codbixinta iyo meelaha lagu tirin doono codadka ay shacabku dhiibtaan.
Sidoo kale saraakiisha maareynaya codeynta waxaa loo qaybiyay afduubka halka la diyaariyay gacmo nadiifiyaha Hand Sanitizer iyo meelo gacmaha lagu dhaqanaya.
IEBC ayaa sheegtay in si qofka loogu oggolaado inuu gudaha u galo goobta codbixinta ay khasab tahay inuu sito afduubka.
Mas’uulka guddiga u qaabilsan doorashadan ku celiska ah Mr. Peter Muigai ayaa sheegay in la dhameystiray qorshayaashii horay loo dejiyay si codeynta ay ugu dhacdo jawi deggan oo natiijada ka soo baxdo lagu kalsoonaan karo.