Agaasimaha waaxda dacwad oogista ee dalka (DPP) Noordin Xaaji ayaa wacad ku maray inuu gudbin doona kiis ka dhan ah amarka maxkamada ee ka hor istaagaya qabashada iyo dacwad ku soo oogista madaxweynaha ururka qareenada dalka (LSK) Nelson Havi.
Havi ayaa lagu eedeeyay inuu Isniintii xadgudub u geestay madaxii fulinta guddigaas ee shaqada laga ceyriyay Mercy Wambua.
War qoraal ah oo uu soo saaray Noordiin Xaaji ka dib amarkii maxkamadda Arbacadii, ayuu ku sheegay in amarka la soo saaray xilli hore maadaama aan weli go’aan laga gaarin kiiska ku xadgudubka ee haweeneyda.
Havi ayaa la qabtay oo su’aalo la weydiiday Talaadadii ka hor intaan lagu sii deyn damiin lacageed oo dhan Ksh.10,000 gelinkii danbe
Home Wararka Kenya Noordiin Xaaji oo kiis ka gudbinaya amarka maxkammada ee mamnuucaya xiritaanka,...