Dowladda oo xireyso dugsiyada aysan ardayda badan dhigan

0
608

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof .George Magoha ayaa sheegay in iskuullada aysan arday badan dhigan albaabada la isugu laabi doono si dhaqaalaha dowladda loo badbaadiyo.
Magoha ayaa xusay inay jiraan iskuullo aysan ku badnayn ardayda halka qaar fasalladooda ay ka yar yihiin 12 islamarkaana ay dowladdu maalgeliso.
Waxaa uu sheegay in wasaaradda waxbarashada hadda wixii ka dambeeya ay diiwaan galin doonto dugsiyada si looga fogaado xaaladaha noocaan ah.
Si kastaba ha ahaate, wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu aysan xiri doonin dugsiyada aan ardayda badan dhigan ee ku yaalla gobolka waqooyi-bari sababo la xiriira juqraafi ahaan ama baaxadda dhulka oo aad u ballaaran.