DHAGEYSO:Kalkaaliyaasha oo berri dibadbaxyo ka sameyn doono gobollada dalka

0
801

Ururka ay ku mideysan yihiin kalkaaliyaasha dalka ee KNUN ayaa sheegay in berri oo Isniin ah dhammaan gobollada wadanka laga sameyn doono dibadbaxyo ay dhigayaan xubnaha dalladdan ka tirsan.
Mas’uuliyiinta ururkan ayaa hoosta ka xarriiqay in ilaa iyo hadda qaar ka mid ah dowladaha ismaamullada sida Vihiga aynan xallin tabashooyin dhanka caafimaadka ah.
Waxyaabaha ay dalbanayaan waxaa ka mid ah dallacsiin, lacagaha gunnooyinka ee halista dhanka shaqada, agabka la iskaga difaaco cudurka COVID-19 ee PPEs oo tayo leh iyo dhaqangelinta heshiis ku saabsanaa mushaar kordhin oo la saxiixay sanadkii 2017-kii.
Guddoomiyaha golaha barasaabyada ee CoG Mr. Wycliffe Oparanya ayay ku eedeyeen in ilaa iyo hadda uunan u soo bandhigin heshiis ay ku soo afjari karaan shaqo joojinta balse uu hanjabaad adeegsaday.
Waxay wacad ku mareen in aynan shaqo joojinta soo afjari doonin inta dowladda ay ka dhaqangelinayso qodobbada ay u gudbiyeen