DHAGEYSO:Xisbiga UDA oo doonaya inuu dalka ku yeesho saameyn siyaasadeed

0
788

Senatarkii hore ee ismaamulka Machakos ahna guddoomiyaha xisbiga UDA Johnson Muthama ayaa sheegay inay diiradda saarayaan sidii awood iyo saameyn siyaasadeed ay ugu yeelan lahayeen dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in musharaxiin matalaya xisbigan oo lala xiriirinaya madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ay u tartami doonaan xilalka senatarka Machakos , xildhibaananimada Matungu, Kabuchai iyo sidoo kale qaar ka mid ah deegaannada hoose ee dalka oo doorashooyin ku celis ah ay ka dhici doonaan.
Mr. Muthama ayaa sheegay inay rajeynayaan in guulo ay ka soo hooyaan doorashooyinka isagoo tilmaamay inay u diyaar garoobayaan sidii sanadka 2022-ka ay ula wareegi lahayeen hoggaanka dalka.
Waxaa uu intaasi ku daray in marka la eego tirada siyaasiyiinta ee xisbiga UDA ku biiraya sida uu hadalka u dhigay uu culeys siyaasadeed soo foodsaaray xisbiyada ANC iyo Ford-Kenya.