Barasaabka Wajeer oo ballanqaaday inuu shacabka ka qayb gelinaya barnaamijyada horumarineed

0
531

Guddoomiyaha ismaamulka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar ayaa guda galay inuu dadweynaha la sameeyo wada tashiyo iyo ka qaybgelin ku aaddan barnaamijyada uu fulinayo maamulkiisa.
Waxaa uu sheegay inuu doonayo inuu ogaado waxyaabaha ay sida gaarka ah u daneynayaan shacabka si mudnaanta koowaad loo siiyo.
Axmad Cali Mukhtaar oo xilkan loo dhaariyay bishii Shanaad ee sanadkan ka dib markii laga xayuubiyay Maxamad Cabdi ayaa xusay in kulamada looga gol-leeyahay in diiradda lagu saaro arrimo ay ka mid yihiin maamul wanaagga , siinaanta jinsiyadeed iyo xuquuqul aadanaha .
Waxaa uu barsaabka Wajeer sheegay in madaxda laga doonayo in bulshada ay u adeegayaan ay mar kasta laga tashadaan waxyaabaha ay dani ugu jirto ee dhanka horumarka.