Siyaasiyiinta oo looga digay faragelinta nidaamka magacaabista ee madaxa cadaaladda xiga

0
488

Hoggaamiyaha Xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta dalka inay ka waantoobaan faragalin ku saabsan hanaanka magacaabista madaxa cadaaladda ee xiga kaddib markii 12-kii bishaan ka fariistay jagadan David Maraga oo afar sano hayay.
Dhawaan ayey ahayd markii guddiga JSC u guda galay geeddisocod la doonayo in lagu buuxiyo xilkan.
Jagada hoggaamiyaha garsoorka dalka ayaa la shaaciyay inay bannaan tahay hal toddobaad ka dib markii uu howlgab noqday David Maraga oo afar sano hayay.
Mudavadi ayaa sheegay in madax banaanida garsoorka ay fure u tahay xasiloonida iyo jiritaanka dalka iyo dhamaana waxyaha kala duwan ee dowladda.
Hadalkan ayuu ka jeediyay deegaanka Khwisero ee ismaamulka Kakamega xilli u shalay ka qayb galay aaska hooyada garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee dalka oo lagu magacaabo Aggrey Muchelule.
Dhanka kale Mudavadi ayaa ku boorriyay shacabka Kenyaanka inay ka fiirsadaan waxyaabaha mudnaanta leh ee ka caawin doona xulashada hoggaan diiradda saaraya dib u soo nooleynta dhaqaalaha iyo horumarka dalka.