Amniga Kwale oo la adkeeyay si looga hor tago afduubka

0
511

Waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta kadib markii ay badatay cabsida shacabka ee ku aaddan xatooyada carruurta.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Kwale, Joseph Kanyiri ayaa sheegay in kastoo ay dadweynaha cabsi muujinayaan in aan ismaamulkaasi laga diiwaangelin falalka afduubka ee carruurta lagu bartilmaameedsado.
Waxaa uu Kanyiri xusay inay jiraan tallaabooyin looga hor tagaya in shakhsiyaadka arrimahan ku howlan ee Kilifi ay u gudbaan Kwale.
Tallaabooyinka waxaa ka mid ah in xarun gaar ah laga sameeyay xadka Kenya iyo Tanzania gaar ahaan deegaanka Lunga Lunga si loo hubiyo cidda wadanka soo galaysa ama ka baxaysa.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dabagal lagu hayo dhaqdhaqaaqa qof kasta oo xadka gudbaya.
Mr.Kanyiri ayaa carrabka ku adkeeyay in dambiilayaasha caadeystay afduubka iyo xatooyada carruuta laga qaadi doono tallaabo sharciyeed.