Wasiirka waxbarashada oo eedeyn u jeediyay waalidiinta carruurtooda ay isticmaalaan maandooriyaha

0
385

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof .George Magoha ayaa kororka isticmaalka Khamriga iyo mukhaadaraadka kale ee carruurta iskuullada ku eedeeyay waalidiinta oo aan ka warqabin ubadkooda.
Magoha ayaa sheegay in waaliddiintu ay mas’uul ka yihiin carruurtooda dugsiga aadaya, xitaa iyadoo wasaaraddu dejisay tallaabooyin lagu hubinayo in goobaha waxbarashada ay ka madax bannaan yihiin khamriga iyo si guud isticmaalka daroogada.
Waxaa uu xusay in carruurta aysan sameynin waxaa loo sheego balse ay sameenayaan waxa uu waalidka sameeyo.
Waxaa uu intaa ku daray in waalidka looga baahan yahay inuu aqbalo mas’uuliyadda ubadkiisa ka saaran islamarkaana ay ka warqabaan carruurtooda.
Hadalkan ayuu jeediyay wasiirka intii lagu guda jiray daah-furka tilmaamaha qaranka ee ka hortagga iyo isticmaalka maandooriyaha gaar ahaan Khamriga.
Dhanka kale xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayaa xaqiijiyey taageerada wasaaraddasi si loo ilaaliyo jawiga iskuulka iyo xaqiijinta in goobaha waxbarashada aan lagu isticmaalin noocyada kala duwan ee maandooriyaha.
Waxaa uu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay si joogto ah u hubineyso inaysan jirin goobo khamri lagu iibiyo oo u dhow xarumaha waxbarashada.