Madaxa cadaaladda oo garsoorayaasha ka dalbatay yareynta kiisaska maxkamadaha

0
398

Madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ayaa garsoorayaasha u sheegtay in ay mas’uuliyad shakhsiyadeed ka saaran tahay yareynta tirada kiisaska ee hor yaalla maxkamadaha wadanka.
Waxay carrabka ku dhufatay in xaakiinnada ay xaqiijiyaan inuusan dib u dhac ku imaan helidda cadaaladda.
Mrs. Koome ayaa maanta sheegtay inay soo saartay amar ku saabsan qiimeynta waxqabadka garsoorayaasha ee bil kasta sidaas awgeedna ay rajeynayso in si buuxda loo dhaqangelin doono.
Hadalkan ayay ka jeedisay xarunta maxkamadda qaabilsan arrimaha deegaanka iyo dhulalka.
Madaxa cadaaladda ayaa codsatay in laga taageero dhanka isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda saameynta ka dhalatay cudurka COVID19 awgeed.
Waxay garsoore Koome intaa ku dartay in boqolkiiba 60 kiisaska loo gudbiyo maxkamadaha wadanka ay yihiin kuwo ku saabsan ama la xiriira muranada dhanka dhulka.