Guddoomiyaha golaha suuq gaynta xoolaha nool ee dalka kana mid ah waxgaradka gobolka waqooyi bari Dubat Cali Camey ayaa sheegay inuu ku farxay go’aankii ay shalay barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane iyo ku xigeenkiisa Cabdi Dhaqane ku shaaciyeen inay ka heshiiyeen murankii u dhexeyay.
Waxaa uu mas’uuliyiinta ka codsaday inay ka dhabeeyaan is-afgaradkaasi si loogu wada adeego bulshada.
Dubat ayaa madaxda xusuusiyay in lagula xisaabtami doono sida ay dadweynaha ugu fidiyaan adeegyada ay u baahan yihiin ee dhanka horumarka.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Dubat Cali Camey oo soo dhaweeyay heshiiskii barasaabka Garissa iyo ku xigeenkiisa