Barasaabka Nakuru oo lagu wareejiyay hindise lagu aqoonsanaya halyeeyada

0
263

Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Nakuru Joel Maina Kairu ayaa barasaabka dowlad deegaankaasi Lee Kinyanjui ku wareejiyay hindise shariyeed ay dhawaan ansaxiyeen wakiillada laga soo doortay deegaanada hoose.
Xeerkan ayaa dhigaya in si rasmi ah loo aqoonsado sidoo kalena la sharfo halyeeyadii ismaamulkaasi.
Waxaa sidoo kale dowlad deegaanka Nakuru ay aqoonsan doontaa shakhsiyaadka muujiyo waxqabad wanaagsan oo ku saleysan waddaniyad.
Hindisaha waxaa golaha Nakuru hor geeyay wakiilka deegaanka hoose ee Kabazi Peter Mbae .
Siyaasigan ayaa doonaya inuu jiro nidaam lagu soo xulaya kadibna si cadaalad ah loogu abaal marinaya geesiyaasha.
Sanadkii hore ayay ahayd markii wasiirrada ismaamulka Nakuru, ganacsatada, wariyaasha ,hay’adaha waxbarashada, ururrada diimeed, ururka horumarinta haweenka ,dhallinyarada, ururrada bulshada iyo naafada ay afkaartooda ka dhiibteen hindise sharciyeedka halyeeyada.
Marka uu xeerkan saxiixo guddoomiyaha Nakuru Lee Kinyanjui , waxaa la soo magacaabi doonaa guddi ku wareegaya deegaanada ismaamulkaasi si loo diiwaangeliyo geesiyaasha iyo waddaniyiinta abaalmarinta mudan.