Maraykanka oo ka hadlay dilka loo gaystay Madaxweynaha wadanka Haiti

0
463

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa ka hadlay dilkii ay xalay koox aan weli la aqoonsan toogasho ugu gaysatay madaxweynaha Haiti Jovenel Moïse .
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay isha ku heyso xaaladda dalka Haiti ayna ka jawaabi doonto codsi kasta oo caawimaad ah ka dibmarkii laga takhalusay hogaamiyaha Haiti.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo madaxweynaha Colombia ayaa cambaareeyay dilka loo gaystay madaxweynaha Haiti waxaa ayna ku baaqeen in dalkaas loo tago hawlgal deg deg ah si loo ilaaliyo dimuqaraadiyadda,gacantana loogu soo dhigo dambiilayaasha.
Ra’iisul wasaaraha ku meel gaar ah ee wadankaasi Haiti Claude Joseph ayaa xaqiijiyay weerarka lagu qaaday gudrika madaxweynaha oo uuna ku geeriyooday.
Waxaa uuna sido kale Ra’iisul wasaaraha sheegay in marwada koowaad ee madaxweynaha ay ku dhaawacantay weerarka , iyadoona haadan ku jirta xaalad halis ah waxaana lagu dabiibaya isbitaal ku yaala magaalada Miami ee dalka Maraykanka.
Dilka ayaa imanaya ayada oo dalkaas ay ka jiraan qalalaase siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyada oo ay sare u kaceen rabshadaha burcadnimada.
Dhanka kale ra’iisul wasaaraha ku meel gaar ah ee Haiti Claude Joseph ayaa sheegay inuu hadda isaga hayo talada dalkaasi.