DHAGEYSO:Eedeysane loo haysto xatooyada carruurta oo lagu xiray Kilifi

0
362

Saraakiisha ammaanka ee magaalada Mtwapa ee ismaamulka Kilifi gobolka xeebta ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lala xiriirinayo falalka lagu xado carruurta oo sare u kacay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in tuhmanaha uu canug yar ku siray lacag kadibna kaxeystay.
Ciidamada ayaa hadda su’aalo weydiinaya eedeysanaha si hadii caddeymo wax ku ool ah ay helaan dacwad loogu soo oogo.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii warbaahinta star ay tabisay in nin mooto adeegsanayay uu canug yar uga tagay qoys soomaaliyeed oo ku nool Kilifi.
Qaar ka mid ah shacabka Kilifi ayaa ciidamada ammaanka ugu baaqay in ay tallaabo ka qaadaan eedeysanaha la qabtay