Xafsa Cabdi iyo Jackson Njogu, oo loo haysto kiiska afduubka Xafsa Maxamad Luqmaan ayaa lagu sii daayay dammaanad; waxaa lagu amray in aysan la xiriirin markhaatiyaasha & dadka ka cabanaya iyaga, maxkamadda Makadara ee Nairobi ayaa sidaasi amartay.
Toddobaad ka hor ayay ahayd markii Danstan Omari oo u doodaya Xafso Cabdi Axmad oo ka mid ah eedeysanayaasha uu maxkamadda ka codsaday in gabadhan lagu siidaayo damiin
Xafso Maxamad Luqmaan oo ka dib markii la afduubtay loo gaystay jirdil ayaa sidoo kale akoonkeeda bangiyeed lagala baxay ugu yaraan 650,000 oo shilinka dalka ah .
20-kii bishii Juun ayaa Xafso Maxamad Luqmaan laga soo badbaadiyay xaafadda Kayole ee Nairobi oo muddo 5 cisho ah lagu hayay.
Ilaa iyo hadda saddex eedeysanayaal ah ayaa loo soo xiray falka afduubka ee dhacay balse dhamaantood ayaa dibada jooga.
Home Wararka Kenya Labadii eedeysane ee loo haystay afduubkii Xafsa Maxamad Luqmaan oo dammaanad lagu...