Ken Lusaka oo qiray inuu yahay aabaha ilma aan wali dhalan ka dib markii haweeney dacwad ka gudbisay

0
695

Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Ken Lusaka ayaa qiray inuu yahay aabaha ilmo wali ku jiro uurka hooyadii.
Laba toddobaad ka hor ayay ahayd markii haweeneyda uurka ku sida ilmaha yar dacwad ka gudbisay afhayeenka aqalka sare.
Waxaa ay ka dalbatay lacag dhan 25 milyan oo shilinka dalka oo ah taageerida canug yar ee koritaankiisa iyo caafimaadkiisa.
Intii lagu guda jiray dhageysiga dacwaddan ee maanta, maxkamadda ayaa loo sheegay in guddoomiyaha aqalka sare uu ogolaaday in la xannaaneeyo ilmaha uurka ku jira.
Waxaa uu intaa ku daray in arrimaha kale la xallin doono marka uu ilmuhu dhasho.
Haweeneyda oo adeegsatay garyaqaan Danstan Omari ayaa codsaneysaa taageero dhan 200,000 oo shilin bishiiba ama isku darka lacag dhan 25 milyan oo shillin.
Waxaa ay sheegatay in Lusaka uu diiday inuu qaado mas’uuliyadda ilmaha caloosha ku jira.
Haweeneyda ayaa sidoo kale dooneyso in afhayeenka uu u iibiyo guri u dhigma kan ay ku nool yihiin carruurta kale ee u dhalay.
Qareenka u doodaya haweeneyda ayaa doonaya in guriga lagu iibiyo muddo toddobo maalmood gudahood.
Hasa ahaate waxaa arrinkan ka hor yimid afhayeenka aqalka sare ee dalka.
Dhanka kale qareenka u doodaya Ken Lusaka oo lagu magacaabo Peter Wanyama ayaa sheegay inaysan macquul ahayn in muddo toddobo cisho guri lagu iibiyo balse ay tahay in la sugo ilaa uu ilmaha ka dhasho.
Dacwaddan ayaa mar kale la soo hadal qaadi doona 28-ka bishaan