Boolis baxsad ah oo la raadinaya

0
556

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ayaa raadinaya haweeney boolis ah oo toogasho ka gaysatay deegaanka Juja ee ismaamulka Kiambu.
Falkaasi ayay ku dishay qof rag ah hal maalin un ka dib markii ay sarkaal kale oo boolis ah kaga takhalustay dowlad deegaanka Nakuru.
Eedeysanaha la raadinaya ayay laamaha ammaanka ee wadanka magaceedu ku sheegeen Caroline Kangogo .
Wararka ayaa intaa ku daraya in haweeneydan ay hubeysan tahay oo ayna khatar ku tahay bulshada sidaas awgeedna dadweynaha looga digaya.