Hay’adda Global Fund ayaa wasaaradda caafimaadka ee dalka ugu deeqday lacag dhan 47 bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa loo adeegsan doonaa dadaallada lagula tacaalaya cudurrada qaaxada, duumada iyo HIV- AIDS-ka.
Sidoo kale lacagtan ayaa kaalin wayn ka qaadan doonto xoojinta hannaanka caafimaadka ee ismaamullada , dowladda dhexe iyo bulshada dhexdeeda.
Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka Dr. Rashid Aman ayaa sheegay in kheyraadkan loo adeegsan doono qorshayaasha loogu talagalay si loogu guulaysato in barnaamijyada caafimaadka si buuxda loo gaarsiiyo qaybaha kala duwan ee wadanka.
Waxaa uu intaa ku daray in ugu yaraan boqolkiiba 75 ee dadka qabo cudurka AIDS-ka ee ku nool gudaha Kenya oo ay tiradoodu tahay 1.49 milyan ay isticmaalaan daawooyinka lagu yareeyo saameynta xanuunkan.
Sidoo kale daaweynta la xiriirta qaaxada oo sanadkii 2018-kii ahayd boqolkiiba 81 ayaa sanadkan gaartay boqolkiiba 85.
Hay’adda deeqaha bixiso ee Global Fund ayaa dowladda Kenya tani iyo sanadkii 2002-dii ku taageertay in ka badan 100 bilyan oo shilin.