Maxkamadda racfaanka ee dalka ayaa soo saartay go’aan ay ku hor joogsatay in Ann Kananu loo dhaariyo xilka barasaabka caasimadda wadanka ee Nairobi.
Waxaa amarkan ku dhawaaqay garsoorayaasha kala ah Wanjiru Karanja, Jessie Lessit iyo Jamila Maxamad.
Xaakinnada ayaa sheegay in aan xafladda dhaarinta la qaban karin ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya racfaan laga qaatay go’aan ay horay u soo saartay maxkamadda sare.
Garsoorayaasha ayaa intaa ku daray in ay go’aan kama dambeys ah soo saari doonaan 22-ka bisha Tobnaad ee sanadkan.
Ann Kananu ayaa hadda si ku meel gaar ah u sii haysa xilka guddoomiyaha Nairobi ka dib markii wakiillada golaha hoose ee magaala madaxda wadanka ay ka qaadeen Mike Sonko oo ay ku eedeyeen maamul xumo.
Home Wararka Kenya Maxkamadda oo hor istaagtay in xilka guddoomiyaha Nairobi loo dhaariyo Ann Kananu