Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulkaasi Joshua Nkanatha ayaa ciidamada ammaanka ee ka shaqeeya bariga Kajiado ku amray in ay toogtaan qof kasta oo ku lug leh dhaca xoolaha.
Mr. Nkanatha ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka ay adeegsan doonaan awoodda ugu badan ee ay wax uga qabanayaan caqabaddan.
Waxaa uu xusay in lixdii bilood ee ugu dambeeyay in ka badan 1000 neef oo ari ah la dhacay.
Mr. Nkanatha ayaa intaa ku daray in baaritaanada hor dhaca ah ay muujinayaan inuu jiro ganacsade caan ah oo ku lug leh xatooyada xoolaha.
Shacabka iyo saraakiisha ammaanka ayuu ugu baaqay in ay wada shaqeyaan oo ayna soo afjaraan eedeymaha ay isku jeediyaan.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Kajiado waxaa uu sheegay in la xiray 4 qof oo lagu tuhmayo falalkan halka kuwo kale lagu raadjoogo.