5 eedeysanayaal oo loo haysto iskuday burcadnimo oo maxkamadda la soo taagay

0
407

Waxaa maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ka soo hormuuqday 5 qof oo lala xiriirinayo iskuday la doonayay in lagu jabsado bangiga Prime laantiisa aagga OTC ee caasimadda dalka.
Magacyada eedeysanayaasha ayaa lagu sheegay Reuben Njukia Ngunyu, Charles Mugo Njokia, Jesee Muriuki Murumia, Fredrick Muderwa Anaya iyo Gabriel Mugai Muthoni.
2-dii bishan ayay ahayd markii tuhmanayaasha la qabtay iyaga oo sitay agab ay damacsanayeen inay falka dhaca ah u adeegsadaan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ay iska fogeyeen eedeymaha loo soo jeediyay ka dibna lagu siidaayay damiin lacageed oo min 300,000 oo shilin.
Eedeysanaha koowaad Reuben Njukia Ngunyu ayay maxkamaddu diiday in ay damiin ku siidayso maadaama la soo qabtay isaga oo bannaanka ku joogay damiin ka dib dambi kani la mid ah oo horay loogu eedeyay.
Dacwadda ay wajahayaan ayaa la soo hadaal qaadi doonaa 19-ka bishan.