DHAGEYSO:Wakiilkii deegaanka hoose ee Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer oo la aasay maanta

0
420

Allah ha u naxariistee waxaa maanta ismaamulka Wajeer lagu aasay wakiilkii laga soo doortay Ceeldaas Ibraahim Cabbaas.
Warbixintaan oo dhamaystran waxa inoo haya Abdifatax Ismaaciil.

Dhanka kale madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo asxaabta wakiilkii deegaanka hoose ee Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Ibraahim Cabbaas oo geeriyooday ka dib markii uu muddo kooban xanuunsaday.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa wakiilka ku tilmaamay siyaasi hoggaamintiisa oo ku saleysnayd isbeddel la tabi doono.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada dalka ee State House ayaa lagu sheegay in geerida Alle ha u naxariistee Ibraahim Cabbaas ay tahay dharbaaxo xooggan oo soo gaartay shacabka deegaankaasi iyo si guud ismaamulka Wajeer.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in wakiilka geeriyooday uu xal muuqdo u helay caqabadaha ay wahahayeen dadweynaha uu matalayay.
Mr. Kenyatta ayaa qoyska iyo ehellada u sheegay inuu garab taagan yahay oo uu murugada la qaybsanaya.
Waxaa sidoo kale geerida wakiilka deegaanka hoose ee Ceeldaas ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin barasaabka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar iyo xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Ceeldaas Aadan Keynaan Weheliye.