Madaxa cadaaladda oo berri guddoomin doonto shirka maxkamadda Supreme Court ee Kenya

0
396

Madaxa cadaaladda dalka Martha Koome ayaa la filayaa in ay berri shir guddoomiso kal fadhi ay yeelanayaan xaakinnada maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court.
Waxay sheegtay in qorshuhu uu yahay in maxkamaddu ay dhageysato ilaa 20 kiis oo 19 ka mid ah ay yihiin racfaan.
Waxay intaasi ku dartay in dhageysiga dacwadahan la soo gabagabeyn doono inta u dhexeysa bishan Toddobaad ilaa bisha Tobnaad ee sanadkan.
Martha Koome oo xafiiska la wareegtay bil ka hor ayaa ah madaxii cadaaladda ee saddexaad tan iyo markii sanadkii 2010-kii la soo saaray dastuurka hadda wadanka lagu maamulo.
Waxay horay u ballanqaaday in 100 cisho gudahood ay ku yareyn doonto kiisaska tirada badan ee hor yaalla maxkamadaha dalka sidoo kalena ay xaqiijin doonto adeegsiga sanduuqa dhaqaale ee waaxda garsoorka Kenya.