Booliska oo raadinaya nin dhawaan toogasho gaystay

0
608

Ciidamada booliska ee ismaamulka Nairobi ayaa sare u qaaday dabagalka ay ku hayaan nin habeenkii ay Sabtida soo galaysay ka soo dhex muuqday kaameerada duubta muuqaallada qarsoon ee CCTV-da isaga oo toogasho ka gaysanaya goob lagu caweeyo.
Goobtaasi oo loo yaqaano Quivers ayaa ku taallada agagaarka wadada wayn ee Thika.
Waxaa uu halkaasi ku dhaawacay saddex qof oo labo ka mid ah ay yihiin boolis.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ee ninkan ku dhalisay falka uu ku kacay.
Taliyaha booliska ee deegaanka Kasarani Peter Mwanzo ayaa sheegay in ninkan oo hubeysan uu khatar ku yahay nolosha shacabka.
Waxaa uu intaa ku daray in maalinba maalinka ka dambeysa ay u aqoonsanayaan qof argagixiso ah.