Mudanaha laga soo doortay deegaanka Garissa Township ee ismaamulka Garissa Aadan Barre Ducaale ayaa ka hadlay gudniinka gabdhaha.
Waxaa uu sheegay in wixii diin la xiriira ay lagama maarmaan tahay in looga dambeeyo oo aan lagu faragelin culimada.
Sidoo kale waxaa uu gaashaanka u daruuray soo jeedin ah in haweenka fursad loo siiyo inay qabtaan xilka qaadiga guud ee dalka.