Shirka dowlad wadaajinta oo bisha sideedaad lagu qaban doono Makueni

0
378

Waxaa uu qorshuhu yahay in bisha sideedaad ee sanadkan ismaamulka Makueni lagu qabto shirkii toddobaad ee sanadla ah oo diiradda lagu saaraya arrimaha dowlad wadaajinta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee COG uu ku taliyay in dhammaan madaxda shirka ka qayb galaysa laga tallaalo cudurka COVID19.
Golaha ayaa xusay in mas’uuliyiinta laga doonayo inay soo bandhigaan shahaadada wasaaradda caafimaadka ee xaqiijinaysa in laga baaray lagana waayay caabuqa corona marka ay kaararka aqoonsiga ay 23-ka bisha dambe ka qaadanayaan xarunta machadka tababarka caafimaadka ee KMTC ee Makueni.
Hal-ku dhigga shirka ayaa ah in la qaado tallaabo ka dhan ah isbeddelka cimillada oo ay iska kaashanayaan maamullo heerar badan ah.
Inta u dhexeysa 23-ka ilaa 26-ka bisha sideedaad ee sanadkan ayuu shirku ka socon doonaa dugsiga sare ee wiilasha ee Makueni.
Wakhtigii lagu waday in kulanka uu qabsoomo ayaa labo mar dib loo dhigay cudurka COVID19 awgii.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in la qabto 20 ilaa 28-kii bishii Afaraad ee sanadkii hore waxaa loo beddelay 3 ilaa 7-dii bishi Shanaad ee sanadkan ka hor inta aan dib loo sii dhigin.