Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta Naushad Noorali Merali oo ahaa maalqabeen kaasoo geeriyooday galinkii hore ee shalay.
Waxaa uu sheegay inuu Mr. Merali kaalin wayn ka qaatay arrimaha ganacsiga iyo si guud kobaca dhaqaale ee wadanka.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in guddoomiyihii shirkadaha Sameer Group uu shaqo abuur u sameeyay kumanaan dhallinyaro ah.
Qoraalka madaxweynaha waxaa qayb ka ah inuu aad uga naxay geerida ku timid Mr. Merali oo sidoo kale ahaa deeqsi taasoo sababtay inuu helo aqoonsi madaxweyne.
Sidoo kale waxaa ganacsadahan oo dhintay isagoo 70 sano jir ah lagu xusuustaa in sanadkii 1995-kii uu aasaasay shirkadii isgaarsiinta ee Kencell .