Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa ku gacanseyray cilmi baaris uu sameeyay machadka sameeya cilmi baarista dhanka caafimaadka ee (KEMRI) kaas oo muujiyay suurtagalnimada kororka kiisaska cudurka COVID-19 ee bisha saddexaad ee sanadkan.
Magoha ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay talaabooyin looga hortagayo faafitaanka cudurka Coronavirus ee ardayda dhaxdooda xilli toddobaadkii saddeexaad dugsiyada ay furan yihiin.
Hadalkan ayuu ka jeediyay magaalada Mombasa ka dib booqasho labo maalmood qaadatay oo uu ku tagay gobolka Xeebta, isagoona booqday iskuulo kala duwan oo ku yaalo ismaamullada Taita Taveta, Kilifi iyo Mombasa.
Waxaa uu intaa ku daray in boqolkiiba 99 ardayda ay dib ugu laabteen dugsiyada ismaamulladaasi.
Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in xaaladda degmada Kapedo ee bariga ismaamulka Turkana ay la tacaali doonaan laamaha amaanka ka hor inta aysan ardayda imtixaanada sanad dugsiyeedka labaad u fadhiisan.
Dhawaan ayey markii halkaasi weerar lala eegtay qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka oo ku sugnaa aagga loo yaqaano Emadau Temako ayaa waxaa ku dhintay agaasime ku xigeenka howlgallada ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da halka labo sarkaal oo kale ay dhaawacmeen.
Waxaana halkaasi in muddo ah ka jiray dhibaatooyin dhanka amniga ah.
Home Wararka Kenya Magoha oo ku gacanseyray saadaasha machadka KEMRI ee kororka Covid-19 ee bilaha...