Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Township horayna u soo noqday hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Aadan Barre Ducaale ayaa cambaareeyay soo jeedin dhawaan soo baxday oo ahayd in haweenka fursad loo siiyo in ay qabtaan xilka qaadiga guud ee wadanka.
Waxaa uu sheegay in taasi aynan suuragal ahayn oo aynan marnaba ogolaan doonin.
Aadan Barre ayaa carrabka ku adkeeyay in diinta islaamka ay kala caddeysay shaqooyinka ragga iyo haweenka sidaas awgeedna aan loo baahneyn faragelin.
Waxaa uu xusay in hadii madaxa cadaaladda ee dalka ay noqotay haweeney lagu magacaabo Martha Koome aynan micnaheedu ahayn in xilka qaadiga guudna loo dhiibi karo qof dumar ah.
Waxaa uu sheegay inay Khasab tahay in soo jeedin kasta oo diin ku saabsan lagala tashado culimada ka hor inta aan la soo bandhigin.