Guddiga EACC oo beeniyay inuu howlgal ka sameeyay xafiiska qareen caan ah

0
427

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn uga timid mid ka mid ah qareenada ugu caansan wadanka.
Dhawaan ayay ahayd markii Dr. George Khaminwa uu sheegay in weerar lagu soo qaaday xafiiskiisa.
Waxaa uu walaac ka muujiyay in iyada oo la adeegsanaya hay’adaha dowladda sida EACC la cabsi gelinayo shakhsiyaadka ka soo horjeeda qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Hasa ahaate madaxa fulinta ee EACC Mr Twalib Mbarak ayaa eedeyntan ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn.
Dr Khaminwa ayaa sheegay in labo qof ay soo weerareen xafiiskiisa 11-kii barqanimo ee shalay si ay su’aalo u weydiiyaan.
Waxaa uu sheegay inuu fahmi kari waayey waxa ay kaga baahnaayeen.
Waxaa uu intaa ku daray in caawiyihiisa ay waydiisteen inay siin karto xoogaa lacag ah balse aysan siinini.