Laba sarkaal oo boolis ah oo is dhaawacay ka dib markii ay murmeen

0
734

Waxaa lagu soo warramaya in laba sarkaal oo boolis ah u dhaawacay soo gaaray ka dib markii ay is rasaaseeyeen.
Dhacdadan ayaa xalay fiidkii laga soo tabiyaya wadada Thika ee magaalada Nairobi.
Labada sarkaal oo magacyadooda lagu kala sheegay Festus Musyoka Kavuthi oo ka howlgala xarunta DCI-da ee Starehe iyo Lawrence Muturi oo ay goobtiisa shaqada tahay xarunta dambiyada ee Kasarani.
Waxaa ay ku murmeen haweeney la socotay mid ka mid ah saraakiisaha.
Waxaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray haweeneyda.
Mid ka mid ah saraakiisha oo lagu magacaabo Musyoka ayaa gacanta ka toogtay dhiggiisa Lawrence Muturi oo u dhaawacay soo gaaray.
Sarkaalka kale ee gacanta laga toogtay ayaa asna la soo baxay qorigiisa isgaoo qaybta bidix ee qoorta ka togtay askarigii dhaawacay.
Labada sarkaal ayaa loola cararay isbitaalka Nehema Uhai, waxaana ka dib loo wareejiyay isbitaalka Nairobi hospital si daryeel caafimaad oo dheeraad u helaan.