Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga oo ku sugan ismaamulka Mombasa ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan nolosha Kenyaanka ah.
Waxaa uuna sheegay in Kenyaanka ay ku adagtahay helida adeegyada muhiimka ah.
Waxaa uuna sheegay in aan hiigsanayno sidii aan Kenya uga bixin lahayd xaaladda saboolka ah marka la gaaro sanadka 2030-ka.
Mr Odinga ayaa carabbka ku dhuftay in qof walba oo kenyaan ah uu xaq u leeyahay inuu helo adeegyada muhiimka ah oo uu doonayo.