Dacwadaha racfaanka ee BBI oo la go’aamin doono bisha siddeedaad

0
585

Madaxa maxkamadda racfaanka ee dalka Daniel Musinga ayaa maanta sheegay in xukunka dacwadda la xiriirta qorshaha sharci beddelka ee BBI lagu dhawaaqi doono 20-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Maxkamadda ayaa go’aanka soo saari doonto saacaddu marka ay tahay 9-ka subaxnimo ee taariikhdaasi.
Maanta ayaa maalinkii Afaraad waxaa maxkamadda ka socday dhageysiga dacwadaha la xiriira hannaanka sharci beddelka ee BBI.
Waxaa fursad helay qareenada u doodaya dhinacyada ka soo horjeeda nidaamkan ee doonaya in maxkamadda racfaanka ay ayiddo go’aankii 13-kii bishii Shanaad ay ku dhawaqeen 5 ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda sare kaasoo lagu laalay BBI.
Xaakinada ayaa xilligaasi sheegay in BBI lagu soo aasaasay qaab aan waafaqsanayn dastuurka dalka .
Dhinacyada taageersan hindise sharciyeedka BBI ayaa ku doodaya in la sameeyay wax kasta oo sharci ah sidaas awgeedna aynan jirin sabab loo hor istaago in dalka ay afti ka dhacdo.
Sidoo kale qaybaha kale ayaa sheegaya in madaxweynaha dalka isagoo adeegsanaya awoodiisa uunan qayb ka noqon karin sharci beddel.
Hasa ahaate toddobo garsoorayaal ah oo uu hoggaaminayo garsoore Daniel Musinga ayaa laga sugayaa go’aanka kama dambeyska ah.