Dowladda dalka Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeymaha loo jeediyay ee ah inay is hor taagtay in gargaar baniaadanimo la gaarsiiyo shacabka ku dhibaateysan gobolka waqooyi ee Tigray.
Waxay sheegtay in ay sameynayso wax kasta oo ay awooddo si dib loogu dhiso kaabayaasha horumarineed.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo dowladda Itoobiya lagu dhaliilaya in ay macluusha jirta hub ahaan u adeegsanayso.
Toddobaadkan gudihiisa ayay ahayd markii xoogagga gobolka Tigray ee (TPLF) ay sheegeen in ay si buuxda ula waregeen magaalada Mekelle ee ugu wayn gobolkaasi.
Ku dhawaad 8 bilood ayay dagaallo ka socdeen gobolka waqooyi ee Tigray.