DHAGEYSO:Wakiilka haweenka ee Kiambu oo ka hadashay in la mideynayo Jubilee iyo ODM

0
393

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka Gathoni wa Muchomba ayaa sheegtay in aan wax wada tashi laga sameyn qorshaha xisbiyada Jubilee iyo ODM ay ku soo dhisayaan isbeheysi ay ku mideysan yihiin.
Ms Muthoni ayaa eedeyn u jeediyay xoghaynta Jubilee oo ay sheegtay inay gaarto go’aamo aan dadweynaha laga qayb gelin.

Dhawaan ayay ahayd markii haweeneydan oo tirsanayd xisbiga Jubilee ay shaacisay in ay si rasmi ah ugu biirtay xisbiga UDA oo lala xiriiriyo ku xigeenka madaxweynaha wadanka William Ruto.