Qaramada midoobay oo Maraykanka ugu baaqday inuu xayiraadda ka qaado Iiraan

0
501

Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterres ayaa dowladda Maraykanka u soo jeedisay in ay cunaqabateynta ka qaaddo Iiraan sidii uu heshiiska ahaa sanadkii 2015-kii.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay socdaan wada hadallo dib loogu soo noleynaya heshiiskii nukliyeerka ee sanadko ka hor ay wada saxiixdeen dowladda Iiraan iyo wadamada ugu awoodda badan caalamka.
Xukuumadda Tehraan ayaa dhankeeda ballanqaaday inay diyaar u tahay inay ilaaliso qodobadii lagu heshiiyay hadii xayiraadda saaran laga dulqaadaya.
Xoghayaha qaramada midoobay ayaa madaxweynaha Maraykanka Joe Biden u soo jeediyay inuu cunaqabateynta khafiifiyo isaga oo eegaya ganacsiga arrimaha shidaalka ee Iiraan.