Senetarka ismaamulka Murang’a Irungu Kang’ata ayaa sheegay in dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee laga soo doortay gobolka bartamaha dalka islamarkaana taageera madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ay qorsheeynayaan inay la midoobaan ku xigeenkiisa William Ruto.
Waxaa uu xusay in warqad uu u qoray madaxweynaha dalka bishii koowaad ee sanadkan ee ahayd in uunan taageero buuxda ku lahayn ismaamullada gobolka bartamaha dalka.
Waxaa uu intaa ku daray in uu u sheegay madaxweynaha in la gaari doono xilli ay dhammaan madaxda siyaasadeed ee Mt. Kenya ay ka wadi tagi doonaan.
Waxaa uu sidoo kale xusay in kuwa haatan xulafada la ah madaxweynaha ay kaliya khiyaanayaan.
Mar uu arrimahan ka hadlayay ayuu senetarka ismaamulka Murang’a yiri
Mas’uulkan ayaa horaan looga qaaday xilka madaxii Jubilee u qaabilsanaa dhanka kala dambeynta ee aqalka sare ka dib warqad uu u qoray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu haatan ka mid yahay xulafada siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.